New York (Sh M Network)—Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku baaqay in Hay’addaha gargaarka bini’aadannimo loo ogolaado in ay u gurmadaan malaayiinka Ruux oo ku dhibaateysan Dalalka Soomaaliya, Yemen, South Sudan iyo Nigeria.

Warsaxaafadeed ka soo baxay 15-ka xubnood ee Golaha Amaanka ayaa lagu xusay in dhinacyada isku haya Dalalkan ay ogolaadaan in gurmad bini’aadannimo loo fadhiyo ku dhawaad 20 milyan oo qof.

Golaha Amaanka ayaa shaaca ka qaaday in malaayiinkan ruux ay saameyn ku yeesheen abaaro dhawaan ku dhuftay Dalalka Soomaaliya, Yemen, South Sudan iyo Nigeria.

Afhayeenka Golaha Amaanka, Stephane Dujarric  ayaa waxuu sheegay in QM ay codsatay bishii Febraayo lacag dhan 4.9 milyan oo doolar balse %51 oo kaliya la helay si wax loogu qabto malaayiinkaasi qof.

Ugu dambeyn, Xogahaya Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres oo warbixin kooban siiyay Golaha Amaanka ayaa waxuu shaaciyay in xaalado nololeed oo daran ay ka jiraan Dalal ay ku jirto Soomaaliya, loona baahan yahay in wax laga qabto.