New York (Sh M Network)—Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa qiray in cuno la’aan ay ka jirto Dalal ay ku jirto Soomaaliya.

War ka soo baxay Golaha Amaanka ayaa lagu xusay in Aduunka markan uu wajahayo mid ka mid ah abaarihii ugu darnaa ee ku dhuftay Dalal dhowr ah.

Dhinaca kale, Agaasimaha Hay’adda Qaramada midoobay u qaabilsan cunada iyo beeraha ee FAO, José Graziano Da Silva ayaa soo dhaweeyay go’aanka Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay.

Waxaa uu sheegay in Hay’adda FAO ay wax badan kala socoto xaaladaaha bini’aadannimo ee ka jira dalal ay ka mid tahay Soomaaliya.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda FAO waxaa uu carabka ku adkeeyay in tiro dhowr jeer ah ay ka digeen cuno yari saameysa malaayiin ruux.

Dhawaan ayee aheyd markii Hay’adda FAO ay shaacisay in cuno la’aan baahsan ay ka jirto qeybo ka mid ah Dalka Soomaaliya, maadaama ay ku dhufteen abaaro xoogan.