New York ( Sh. M. Network )-Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa in maanta ay kulan ka yeeshaan xaaladda Soomaaliya iyo howlgalka Ciidamada nabad nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Kulankaasi ayaa la filayaa in Goluhu uu diirada ku saaro taageerada dhaqaale ee howlgalka AMISOM ee Soomaaliya iyo weliba qorshaha ku meel gaarka ah ee ciidamada Soomaaliya ay AMISOM ugula wareegayaan mas’uuliyadda amniga dalka.

Inta uu kulankaasi socdo ayaa waxaa si toos khadka u soo geli doona Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo warbixin kooban siin doona Golaha.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa ay ka doodayaan sidii howlgalka AMISOM loogu heli lahaa taageero joogta ah, si ay u sii xoojiyaan howlaha ay ka wadaan Soomaaliya.

Golaha ayaa Sanadkii hore soo saaray qaraar tirsigiisu yahay 2372 oo u jeedkiisu yahay qorshaha ku meel gaarka ah ciidamada Soomaaliya ay kula wareegayaan amniga dalka.

Wakiilka Qaramada ee Soomaaliya oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa Golaha Ammaanka siin doono warbixin la xiriirta xaaladaha ammaanka iyo mida bani’aadnimo ee xiligan ka jirta gudaha Soomaaliya.