Muqdisho ( Sh. M. Network )-29 Mudane ayaa Codka kalsoonida siiyay Abuukaate Muumino Sheekh Cumar, taas oo Xubin ka noqoneysa Gudiga Dib-u-eegista iyo Hirgalinta Dastuurka kadib hortagitaankeedii Golaha Aqalka Sare.

Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare Abshir Maxamed Axmed “Bukhaari” ayaa sheegay in si rasmi ah Abuukaate Muumino Sheekh Cumar ay uga mid noqotay Guddiga Qaabilsan Arrimaha Dastuurka.

Ansixinta xubnaha Golaha Aqalka Sare ee Dalka Kadib ayaa halkaasi lagu dhaariyay Muumino Sh Cumar oo ka mid noqotay Guddiga qaabilsan Arrimaha Dastuurka.

Guddoomiyaha Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka ee Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xasan Cawaale ayaa Guul ku tilmaamay in Guddigoodu hello qof aqoon dheer u leh Arrimaha Dastuurka.

Dhanka kale waxaa Golaha Aqalka Sare hortagay oo Warbixin laga dhageystay guddoomiyaha Gudiga dib-u-heshiinsiinta Qaranka, Ismaaciil Macalin Muuse.

“Waxaan tagnay meelo badan oo Soomaaliya ah runtii intii uu Gudigan jiray waxaan qabanay Shaqooyin badan, waxaase naga horyimid caqabado muuqda markaasna aanan anaku awood buuxda u laheyn, waxaa Qorsha gudiga Bid-u-heshiinsiint Qorshahiisa kamida in Deegaanadda Al Shabaab laga xoreeyo dib u heshiisiin laga sameeyo”ayuu yiri Ismaaciil Macalin Muuse

Sanatarada Golaha Aqalka Sare ayaa intaas kadib soo jeediyey in Gudigan Dib-u-heshiisiinta la taageero cabashooyinkoodana la xaliyo.