????????????????????????????????????

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Xildhibaanada Golaha Aqalka Sare ayaa maanta lagu wadaa in ay kulan ka yeeshaan xeerka Dhowrista Gobonimada iyo midnimada Ummadda Soomaaliyeed.

Xubnaha Aqalka sare oo kulankii ugu horeeyay Kalfadhigooda Sedexaad shalay ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa loo qeybiyay Xeerkan oo dalka ka mamnuucaya Shirkadda DP World.

Cabdi Xaashi Cabdulaahi guddoomiyaha Golaha Aqalka sare  ayaa shalay soo bandhigay Warbixin uu kaga hadlayo Waxyaabihii u qabsoomay Kalfadhigii hore iyo arimaha horyaala Kalfadhigan.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maalin ka hor ansixiyay xeerka Dhowrista Gobonimada iyo midnimada Ummadda Soomaaliyeed,kaasi oo guud ahaan dalka ka mamnuucaya Shirkadda DP World.