Muqdisho ( Sh. M. Network )-Guddiga joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in ay kulan ku yeeshaan gudaha magaalada Muqdisho.

Kulankan ayaa Ajndihiisu waxa uu yahay ka tashiga iyo dardar galinta howlaha muhiimka ah ee hor yaalla Golahaasi.

Sidoo kale Guddiga joogtada ah ee Aqalka Sare ayaa maanta laga war sugayaa, xilliga uu furmayo Kal-fadhiga Afaraad ee Golaha Aqalka Sare.

Kal-fadhigan ayaa lagu waday in uu furmo 10-kii bishan, balse dib loo dhigay sababo ku aadan arrimo farsamo iyo mid  Amni intaba.