Muqdisho ( Sh. Network )-Kulanka Xildhibaanada Golaha Aqalka Sare maanta ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho ayaa waxaa shir guddoomiyay Guddoomiyaha Aqalka Sare  Xildhibaan Cabdi Xaashi C/laahi.

Ugu horreyn xubnaha Golaha Aqalka Sare ayaa dhageystay soo jeedinta Guddoomiyaha Aqalka Sare ee ku aadaneyd Ansixinta Miisaaniyadda Dowladda ee Sanada 2018.

Xildhibaan Cabdi Xaashi C/laahi Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa ka codsaday Senatorada, iyadoo la eegayo danta guud ee dalka in ay u ogoladaan Madaxweynaha dalka in uu Saxiixo Miisaanada Dowladda ee 2018.

Xubnaha Golaha Aqalka Sare ayaa Cod gacan taag ah ku ogolaaday Codsiga madaxweynaha ee Saxiixa Miisaaniyadda Dowladda.

Waxaana ogolaatay 26 Senator, halka ay ka aamuseen 3 Mudane, iyadoo aysan jirin wax diiday, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Aqalka Sare.

Intaasi kadib Xildhibaanada Golaha Sare ayaa ka hadlay weerarkii shalay lagu qaaday Guriga Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.

Inta badan Senatorada Aqalka Sare ayaan soo jeeediyay in loo yeero, waxna la weydiidyo weerarkaasi, saraakiisha ammaanka ee Dowladda, iyo Wasiirada kala ah:-

Maxamed Abuukar Islow “Ducaale” Wasiirka amniga gudaha.

Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan Wasiirka Gaashaandhigga

Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji Wasiirka Cadaalada.

Ugu dambeyn Guddoonka Aqalka Sare ayaa sheegay in talooyinka Xildhibaanadu ay ka dhiibteen weerarkan loo badali doono ficil, waxna ay ka qaban doonaan kiiskaasi.