Muqdisho ( Sh. M. Network )-Xildhibaanada Golaha Shacabka ee BFS ayaa maanta kulan ku leh xarunta Baarlamaanka ee magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Ajendaha kulanka maanta ayaa ah Akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedka Shirkadaha (Company law), kaas oo xilligani muhiim u ah Soomaaliya.

Hindise Sharciyeedkan ayaa saacadaha soo socda laga hor akhrin doonaa Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa shir guddoomin doona guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo dhawaan loo doortay xilkaasi.