Hargeysa ( Sh. M. Network )-Golaha Wakiilada Soomaaliland oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Hargeysa ee xarunta maamulkaasi ayaa waaxa ay uga hadleen Xeerkii shalay Golaha Shacabka ee BFS ay dalka uga mamnuuceen shirkada DP World oo ah shirkad laga leeyahay dalka Isu Taga Imaaraadka Carabta.

Kulanka uu shir guddoomiyay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada S/land Baashe Maxamed Faarax, ayaa ahaa mid aan caadi aheyn, waxaana soo xaadiray inta badan Xildhibaanada maamulkaasi.

Golaha Wakiilada Somaliland ayaa dood dheer kadib isku raacay in go’aankii shalay ka soo baxay Baarlamaanka Soomaaliya, uusan quseyn Soomaaliland, islamarkana wax saameyn ah uu ku yeelan doonin heshiiskii ay wada galeen Shirkadda DP World, Soomaaliland iyo Itoobiya.

Sidoo kale Golaha wakiilada Soomaaliland ayaa meel mariyay heshiikaasi, sheegayana in uu yahay mid sharci ah.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay ansixiyay Xeer dalka looga mamnuucay shirkadda DP World, iyadoona waxba kama jiraan lagu sheegay heshiisyadii ay horay u gashay shirkaddaasi.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.