Muqdisho ( Sh. M. Network )-Kulanka Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ay maanta ku yeesheen Magaalada Muqdisho waxaa shir guddoomiyay Mudane Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Waxaana looga hadlay kulankan qodobo kala duwan, sida Xaaladda Ammaan ee Dalka iyo arrimo kale.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan “Yariisow” ayaa sheegay in Shirka Golaha Wasiirada looga hadlay Heshiiskii Shalay Muqdisho ay ku gaareen Madaxda Maamullada Galmudug iyo Ahlusunna Waljamaaca.

Waxaana Goluhu ay soo dhawweeyeen Heshiiskaasi, kuna tilmaameen in uu ahaa mid Taariikhi ah.

Sidoo kale Eng Yarisow ayaa carabka ku dhuftay in Golaha Wasiirada ay maanta Dood dheer kadib Meel Mariyeen Istaraatiijiyada Amniga Dalka illaa iyo Sanadka 2020-ka

Halkaan hoose ka dhageyso Codka.