Muqdisho ( Sh. M. Network )-Guddiga Difaaca ee Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maanta kulan gaar ah ka yeeshay Darbiga ay Dowladda kenya dhiseyso Xadka ay la wadaagto Soomaaliya.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Vila Hargeysa ee Magaalada Muqdisho ayaa diirada lagu saaray dhismaha Darbigaasi oo la sheegay in gudaha loo soo galiyay Dhulka Soomaaliya.

Ilo ku dhow kulanka ayaa sheegay in markale lagu balamay in Beri la’isku yimaado, si loo falanqeeyo arrimahaasi.

Waxaana la filayaa in kulanka Beri la soo gabagabeeyo, islamarkaana laga soo saaro War-murtiyeed ku aadan waxa uu ka qabo Baarlamaanka Soomaaliya dhismaha Darbigaasi.

Dowladda Kenya ayaa xireyso Xadka ay la wadaagto Soomaaliya cabsi ay ka qabto darteed weerarada Al Shabaab ay ka geystaan gudaha Dalkaasi.