Cadaado ( Sh. M. Network )-Guddiga doorashada ee Baarlamaanka Galmudug ayaa ku dhawaaqay in ay dib u dhigeen doorashada madaxweynaha Maamulkaasi.

Waxaana la filayay in la qabto 25 bishan October, balse guddigu uu sheegay in dib loo dhigay illaa 15 bisha soo socoto ee November.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashada madaxweynaha ee Maamulka Galmudug Maryan Cali Abtidoon oo la hadashay Idaacadda Shabelle ayaa sheegtay in doorashada dib loo dhigay sababo la xariira qaraxii Sabtidii ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Waxaana ay tilmaamtay in la qaban doono 15 bisha soo socoto ee November, xilligaas oo ay shaacisay in ay dooran doonaan madaxweynaha cusub ee Galmudug.

Arrimahan ayaa ku soo aadaya, xilli weli khilaaf uu ka dhex taagan yahay madaxda sare ee Maamulkaasi.

Waxaana dhawaan Wasiirka Warfaafinta Galmudug Maxamuud Cismaan “Masagawaa’ uu sheegay in aysan aqbali doonin in doorasho madaxweyne lagu qabto Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Halkaan hoose ka Akhriso:-