Muqdisho ( Sh.M.Network):-Xubnaha Guddiga Qaban qaabada Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka oo shalay gelinkii dambe kulan ku yeeshay Xarunta Villa Hargeysa , ayaa waxa ay ku doorteen Guddoomiyaha Guddigaasi.

Xildhibaan Nuur Iidow Beyle ayaa la doortay Guddoomiyaha Guddiga qaban qaabada Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka isagoo u warramayay Idaacadda Shabelle Guddoomiyahaasi ayuu shaaca ka qaaday in maanta si rasmi ah u shaacin doonaan xilliga ay qabsoomeyso doorashada Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya.

12-kii Bishaan April ayuu si rasmi ah isaga casilay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Waxaana Xeer Hoosaadka uu dhigayaa  in muddo 15 Cisho gudahood lagu soo doorto Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya haddii uu banaanado xilkaasi.