Jowhar (Sh. M. Network)-Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Sheekh Cismaan Barre oo maanta dib ugu laabtay Magaalada Jowhar ayaa waxa uu Shir Jara’id uu ku qabtay Magaaladaasi ku Ayiday Go’aankii Xildhibaanada Hirshabelle ay Kalsoonida ugala laabteen Madaxweynihii Maamulkaas Cali Cabdullaahi Cosoble.

Waxaana uu hoosta ka xariiqay in hanaan sharci ah ay u mareen Xildhibaanada Hirshabelle xil ka qaadista Madaxweynihii Maamulkaas.

Sidoo kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle ayaa tilmaamay in dhawaan lagu dhawaaqi doono guddigii doorashada Madaxweyne ee Maamulkaas, si loo doorto Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Hirshabelle.

Dhinacakale Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maamulkaasi Hirshabelle Maxamed Cali Caadle ayaa ka digay in Dibadbaxyo ay ka dhacaan Magaalada Jowhar oo  ku aadan Taageero loo muujinayo Go’aanka ay Xildhibaanadu talada uga tureen Madaxweynihii hore ee Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble.

Shalay ayey ahayd markii Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle ay codkii Kalsoonida kala laabteen Madaxweynihii Maamulkaas, kaas oo maanta gaaray Magaalada Jowhar, islamarkaana ka horyimid Go’aanka ay xildhibaanada xilka uga tuureen.