Muqdisho ( Sh. M. Network )-C/laahi Maxamed Xuseen “Geeldoox” Guddoomiyaha degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe oo Wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in askari ka tirsan ciidamada dowladda uu ku rasaaseeyay Magalaada Muqdisho.

Geeldoox ayaa xusay, isaga oo ka yimid Gobolka Shabeelaha Dhex, islamarkaana marayay Isgoyska Sanca ee Magaalada Muqdisho bar koontorool oo ku taalla halkaasi ay istaajiyeen ciidanka dowladda.

Waxaana uu tilmaamay in la weydiiyay Aqoonsi, maadaama gaarigiisa ay saarnaayeen Askar ilaalo u ahayd Guddoomiyaha, iyadoona intii uu socday hadalka uu soo dagay askari ka mid ahaa ilaalada, kadibna rasaas lagu furay gaarigii Guddoomiyaha iyo ilaaladii la socotay.

Guddomiyaha Mahadaay ayaa xaqiijiyay in hakaas looga dilay 1 askari, mid kalena looga dhaawacay, kuwaas oo ka mid ahaa ilaaladiisa.

Ugu dambeyn Guddoomyaha ayaa ugu baaqay dowladda in arrintaan ay soo fara galiso, islamarkaana ay wax ka qabato dhibaatada loo geystay.