Muqdisho ( Sh. M. Network):-Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta ku wajahan Magaalada Kismaayo oo Xarun KMG u ah Maamulka Jubbaland.

Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi  oo la hadlay Warbaahinta ayaa hoosta ka xariiqay in u jeedka Safarkiisa Kismaayo uu ku qotomo sidii xal loo kala dhex dhigi lahaa dowladda dhexe iyo Madax Goboleedyada dalka oo khilaaf ba’an uu hareeyay.

Weli Khilaaf xoogan ayaa waxa uu u dhexeeyaa dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad Goboleedyada dalka kaas oo aanu jirin waan waan rasmi ah iyo xal laga gaaray toona.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku adkeysaneysa in dowlad goboleedyada Madaxdooda yimaadaan Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho si ay uga wada hadlaan Khilaafka labada dhinac.