Muqdisho ( Sh. M. Network )-Maxamed Axmed Cantoobo gudoomiyaha degmada Hodan ee gobolka Banaadir oo Xalay ka qeyb galay furitaanka barnaamijka Tartan Aqooneedka degmooyinka gobolka Banaadir ee Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay ka qeyb galka barnaamijkan faca weyn ee Shabakadda Warbaahinta Shabelle.

Guddoomiye Cantoobo ayaa tilmaamay in Tartan Aqooneedka Bisha Barakeysan ee Ramadaan ee Shabelle uu sahlayo is dhexgalka Bulshada Soomaaliyeed, isagoona dalbaday in la joogteeyo Tartamada ceykaani oo kale ah.

Waxaan uu intaasi raaciyay in Tartankan ay ka faa’ideysan doonaan dhammaan Bahdo Waxbarasho ee dalka.

Ugu dambeyn guddoomiyaha Hodan ayaa maamulka iyo Shaqaalaha Shabelle ku aamanay diyaarinta iyo qabashada barnaamijka Tartan Aqooneedka degmooyinka G/ Banaadir.

Idaacadda Shabelle ayaa ah Warbaahinta looga dayday Tartan Aqooneedka Bisha Barakeysan ee Ramadaan.