Muqdisho ( Sh. M. Network )-Afhayeenka Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari” ayaa sheegay in xilligan muhiim ay tahay in Xildhibaanada Golaha Shacabka ay ka fiirsadaan Doodaha qaar, kuwaas oo uu sheegay in ay kicin karaan Bulshada.

Waxaana Xildhibaanada Golaha Shacabka uu ka codsaday in Doodahooda ay ku saleeyaan Sharciga, si ay u noqoto mid wax dhisto.

Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari” Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sidoo kale  sheegay in xubnaha Baarlamaanku ay yihiin Sharci dajiyeyaasha Dalka, loogana baahan yahay in ay ka hadlaan xaqiiqooyinka jira.

Hadalkan ayuu ka jeediyay, xilli maanta uu shir guddoomiyay kulan Xildhibaanada Baarlamaanka ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho.