Muqdisho ( Sh. M. Network )-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa la sheegay in uu wado qorshe cusub oo uu Mooshin uga diyaarinayo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijiyay in guddoomiye Jawaari kulamo gaar gaar ah la qaadanayo Xildhibaano ka tirsan BFS, si uu ugu qanciyo Mooshinkaasi.

Waxaana arrimahan ay ku soo aadayaan, xilli saakay in ka badan 100 Xildhibaan ay Mooshin ka gudbiyeen Afhayeenka Baarlamaanka Maxamed Sh. Cismaan Jawaari.

Dhinaca kale waxaa goor dhow kulan deg deg ah M/ Muqdisho ku leh guddiga joogtada ee Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Kulanka ayaa lagu soo warramayaa in diirada lagu saarayo arrimaha Mooshinka ka dhanka ah guddoomiye Jawaari.

Iyadoona guddiga looga fadhiyo, xilliga la meel marinayo Mooshinkaasi oo ay gubiyeen Xildhibaadii ugu badnaa Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.