Cadaado ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ee maamulka Galmudug ay Xabsi guri ka dhigeen Guddoomiye ku xigeenka 3 aad ee Baarlamaanka Galmudug Maxamed Saruurow.

Boqor Nuur Maxamed Afarax oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa wax lagu xumaado ku tilmaamay tallaabadii lagu xiray guddoomiye ku xigeenka 3 aad ee Baarlamaanka Galmudud oo haatan Xabsi giri ah Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Waxaana uu ugu baaqay madaxda maamulka Galmudug in ay si deg deg ah xuriyaddiisa u siiyaan Xildhibaan Maxamed Saruurow guddoomiye ku xigeenka 3 aad ee Baarlamaanka Galmudug.

Xariga lagula dhaqaaqay guddoomiye ku xigeenka 3 aad ee Baarlamaanka Galmudug ayaa illaa iyo haatan la ogeyn sababta rasmiga ah ee ka dambeysa.

Inkastoo weli madaxda sare Galmudug uu u dhexeeyo khilaaf xoogan oo ka dhashay, go’aankii uu madaxweyne xaaf ka qaatay khilaafka wadamada Khaliijka.