Muqdisho ( Sh. M. Network )-Kadib kulan saacadihii la soo dhaafay ay ku yeesheen M/ Muqdisho guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha BFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ayaaa looga hadlay dagaallada ka soo cusboonaaday deegaanka Tukaraq,wax ka qabashada fatahaadaha ay sameeyeen Wabiyada dalka iyo sidoo kale dardar gelinta howlaha Kalfadhigan iyo kan xiga horyaalla Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Guddoomiye Mursal ayaa baaq Nabadeed u diray madaxda maamullada Soomaaliland iyo Puntland oo uu ka dalbaday in wax weliba ay ku dhameeyaan wada hadal.

Waxaana uu intaasi ku daray guddoomiyuhu in loo baahan yahay in si degdeg ah loo joojiyo dagaalladaasi.

 Halkan hoose ka dhageyso Codka.