Muqdisho ( Sh. M. Network )-Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Injineer C/raxmaan Cumar Cismaan “Yariisow” ayaa ku dhaliilay hay’adaha Samafalka ee ka howlgala magaalada Muqdisho wada shaqeyn la’aan.

Waxaana uu sheegay in uu jiro is bar baar yaac ka dhex jira hay’adaha Gargaarka, balse loo baahan yahay in ay u midoobaan Caawinta dadka danta barakacayaasha ee ku nool magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Guddoomiye Yariisow ayaa tilmaamay in ka maamul ahaa ay la shaqeyn doonaan hay’adahaasi, si Gargaar loo gaarsiiyo dadka danta yare ee ku dhibaateysan gobolka Banaadir.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.