Muqdisho ( Sh. M. Network )-Guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Eng C/raxmaan Cumar Cismaan “Yarisow’ ayaa maanta kulan la qaatay guddoomiyeyaasha degmooyinka ee gobolka Banaadir.

Ugu horreyn guddoomiyeyaasha maamullada degmooyinka ayaa warbixin guud ka siiyay xaaladaha degmooyinka gobolka Banaadir.

Intaasi kadib Guddoomiye Yarisow ayaa kula dardaarmay maamullada degmooyinka in ay si wanaagsan u gutaan waajibaadka shaqo ee loo igmaday.

Waxaana uu meesha ka saaray in isabadal lagu sameynayo guddoomiyeyaasha degmooyinka ee gobolka Banaadir.

Waa kulankii ugu horreeyay oo ay yeeshaan maamullada degmooyinka iyo Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir, tan iyo markii loo Magacaabay xilkaasi.