Muqdisho ( Sh. M. Network )-Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Eng C/raxmaan Cumar Cismaan “Yariisow” ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay xubno ka socday hay’adda UNDP ee Qaramada Midoobay u qaabilsan dhinaca mashaariicda.

George Konvy oo ka mid ah madaxda sare ee hay’adda UNDP ee hoggaaminayay xubnahaasi iyo Duqa Muqdisho ayaa ka wada hadlay sidii dib u dhis loogu sameyn lahaa  xarumaha Dowladda Hoose ee Xamar iyo dib u dajinta barakacayaasha ku nool magaalada Muqdisho.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane oo la hadlay Warbaahinta ayaa ka warbixiyay kulankaasi.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.