Muqdisho ( Sh. M. Network )-Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Eng C/raxmaan Cumar Cismaan “Yarisow” ayaa sheegay in maamulkiisa uu ka shaqeyn doono horumarka gobolka Banaadir.

Waxaana uu ugu baaqay guud ahaan shacabka ku dhaqan M/ Muqdisho in ay la shaqeeyaan maamulka gobolka Banaadir.

Sidoo kale Guddoomiye Yarisow ayaa xusay in dadka Banaadiriga ee ku nool gobolkan ay leeyihiin Xadaarad fog, loona baahan yahay in ay ka qeyb qaataan horumarka gobolka.

Hadalkan ayuu guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ka jeediyay Munaasabad  soo dhaweyn ah oo ay u sameeyeen bulshada ku dhaqan degmooyinka Xamarweyne iyo Shangaani ee g/ Banaadir.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.