Garowe ( Sh. M. Network )-Wafdi ay hoggaaminayaan guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka ayaa maanta gaaray Magaalada Garowe ee Caasimadda Maamulka Puntland.

Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari” iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Garowe si diiran ugu soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland.

Ujeedada safarkooda ayaa ah in ay ka qeyb galaan furitaanka Kalfadhiga 40 aad ee Baarlamaanka Maamulkaasi oo maalinta Beri lagu wado in uu ka furmo Magaalada Garowe ee xarunta Gobolka Nugaal.

Sidoo kale labada guddoomiye ayaa lagu wadaa in ay la kulmaan madaxda sare ee Maamulka Puntland, si ay ugala hadlaan mad madowga Siyaasadeed ee u dhexeeya Maamulka Puntland iyo dowladda Dhexe ee Soomaaliya.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa jiray khilaaf Siyaasadeed oo u dhexeeyay madaxda Maamul Goboleedyada iyo dowladda dhexe ee Federaalka, kaas oo soo if baxay, kadib go’aankii dowladda ay ka qaadatay khilaafka wadamada Khaliijka.