Baydhabo ( Sh. M. Network )-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Maamulka Koonfur Galbeed Sheekh Axmed C/laahi “Fanax” oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in xaalado ammaan uu uga soo tagay xafiiskiisii Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.

Waxaana uu tilmaamay, in is hor istaag uu ku sameeyay shaqadiisa taliyaha qeybta Booliska ee Gobolka Baay Mahad C/raxmaan oo uu xusay in uu u diiday inuu furo, kuna shaqeeyo Xafiiska Maxkamadda Sare ee Magaalada Baydhabo.

Sidoo kale Sheekh Axmed C/laahi “Fanax” Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Koonfur Galbeed ayaa hoosta ka xariiqay in arrimahan uu ku war galiyay madaxweynaha Maamulkaasi Shariif Xasan Sheekh Aadan, balse aan weli wax laga qaban.

Waxaana uu shaaca ka qaaday in uu ka shaqeyn doono Gobolka Shabeelaha Hoose, maadaama uu sheegay in arrimo ammaan uu uga soo baxsaday Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG Maamulkaasi Koonfur Galbeed.

Arrimahan ayaa ku soo aadayo, xilli muddooyinkii dambe cabasho xoogan ay ka jirtay deegaanada Koonfur Galbeed, taasi oo ka dhan ah madaxda Maamulkaasi.

Waxaana indhawaan jirtay in deegaanada Koonfur Galbeed laga mamnuucay shirarka ka dhanka ah madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan.