Muqdisho ( Sh. M. Network )-Guddoomiyihii hore ee Maamulka Gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa ka hadlay dhibaatooyinkii amni , gaar ahaan qaraxyadii ugu dambeeyay ee toddobaadyadii la soo dhaafay ka dhacayay Magaalada Muqdisho.

Waxaana uu sheegay in weerarada nuucaani oo kala ah ay ka dhici jireen degmooyinka Gobolka Banaadir, blse loo baahanyahay feejignaan dheeri ah, si loogu hortgo weeraradaasi.

Sidoo kale Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa tilmaamay in weeraradan looga hortagi karo in Dariseen dhab ah laga sameeyo guud ahaan Magaalada Muqdisho.

Waxaaan uu ugu baaqay madaxda dowladda federaalka in ay xoojiyaan xiriirka shacabka iyo Laamaha Ammaanka, si loo helo wada shaqeyn dhab ah.

Dhinaca kale Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale oo ka hadlay weerarada qaraxyada ah ayaa sheegay in qaar kood lagu diyaariyo gudaha Muqdisho, halka kuwa kalena la soo galiyo Magaalada.

Sidaa darteedna waxaa ugu baaqay saraakiisha Laamaha Ammaanka in ay xoojiyaan howlgallada lagu xaqiijinyo amniga, si looga hortago weerarada ee Al Shabaab ka geysanayaan Magaalada Muqdisho.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, xilii toddobaadyadii la soo dhaafay Magaalada Muqdisho ay ka dhacayeen weeraro qaraxyo oo ugu dambeeyay, kii maalin ka hor k dhacay Hotel Naasahablood 2 ee degmada Xamarweyne , kaas oo ay ku dhinteen dad shacab ahaa iyo mas’uuliyiin intaba