Muqdisho ( Sh. M. Network )- Gudiga Difaaca Barlamaanaka Soomaaliya ayaa kulan la qaatay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/ gaas C/wali Jaamac Gorod, kulanka ayaa daba socday kulamo isdaba joog ah oo Gudiga ay la lahaayeen Saraakiisha Laamaha Amniga Dowlada Soomaaliya kaasi oo looga hadlayey dardargilinta arimaha ku aadan Ciidamada Xoogga Dalka.

Gudoomiyaha Gudiga Difaaca Barlamaanka Xildhibaan Xuseen Carab Ciise ayaa ka warbixiyey muhiimada kulankani iyo waxyaabaha looga hadlay isagoona sheegay in Taliyaha Ciidanka ay ka wada hadleen arimo kala duwan.