Baydhabo (Sh.M.Network) – Gudoomiyihii Guddiga doorashooyinka maamulka Koonfur Galbeed Carfo Ibraahim Aadan ayaa iska casilay xilkii uu hayey, kaasi oo loo magacaabay dabayqaadda bishii hore ee sanadkaan.

Ma cadda sababta ka dambeysa sababta is-casilaadda Gudoomiyaha, taasi oo kusoo aadaysa xili doorashooyinka Madaxwaynaha dowlad goboleedkaan ay ka harsan tahay 12 maalmood oo qura lana filayo inay dhacdo 17-ka bishaan November.

Carfo oo ah mudane ka tirsan Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo warbaahinta kula hadlay magaalada Baydhabo wuxuu ka dhawaajiyey hadadalo kala duwan oo ay salka ku hayso inuu ka tago xilkii Gudoomiynimo.

Is-casilaada Gudoomiyaha ayaa imaaneysa xili maanta oo Isniin ah uu Guddiga ubilaabay diiwaan-gelinta murashaxiinta, waxaana ugu horeeyay Mukhtaar Roobow, kaasi oo uu Carfo kamid ahaa madaxdii shahaada siisay Roobow.