Dhuusamareeb ( Sh. M. Network )-Wararka naga soo gaaraya deegaanada Galmudug ayaa sheegaya in haweeneydii ka tirsaneyd shaqaalaha hay’adda ICR ee dhawaan laga afduubtay magaalada Muqdisho lagu hayo deegaano ka tirsan gobollada Mudug iyo Galgaduud.

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegay in haweeneydaasi loo gacan geliyay rag ka tirsan kooxaha Burcadbadeeda ee ku sugan deegaanada maamulkaasi.

Taliye ku xigeenka qeybta Booliska ee gobolka Mudug Maxamuud Cilmi Gulaafe oo ay la xariirtay Shabelle ayaa ka warbixiyay arrimahaasi.

Waxaana uu sheegay taliyuhu in suura gal ay tahay in haweeneydaasi oo u dhalatay dalka Jarmalka lagu hayo gobollada Mudug iyo Galgaduud, gaar ahaan deegaanada ay ku sugan yihiin kooxaha Burcadbadeeda.

Halkan hoos ka dhageyso Codka.