London ( Sh. M. Network )-Hay’adda Xuquuqul Insaanka ee Amnesty International ayaa si kulul u cambeereysay go’aanka cusub ee Madaxweynaha Mareykanka uu markale xayiraadaha dhanka socdaalka ah ugu soo rogay dalal ay ku jirto Soomaaliya.

Hay’adda Amnesty ayaa go’aan lagu fududaayay ku tilmaamtay talaabada uu Madaxweyne Trump dalkiisa uga mumnuucay muwaadiin ka soo jeeda Dalalka Soomaaliya, Chad, Iran, Libya, North Korea, Syria, Venezuela, iyo Yemen.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Hay’addan ayaa lagu xusay in go’aankii Trump uu u muuqdo fal dambi ah ee uu galayo Madaxweynaha Mareykanka.

Dhinaca kale, Hay’adda Xuquuqul Insaanka NRC ayaa shaaciyay in go’aanka cusub ee Mareykanka uu noqonayo mid saameynaya Shacab farabadan.

Waxaa ay soo jeediyeen in looga baahnaa Madaxweynaha Mareykanka uu u turo Shacbka, islamarkaana uu ogaado in go’aankiisa uu horseedayo dhibaatooyin badan.

Waa markii labaad uu Madaxweynaha Mareykanka soo rogo xayiraadaha dhanka socdaalka ah waxaana liiska cusub ee Madaxweyne Trump markan ka soo muuqday Dalalka North Korea iyo Venezuela oo xiisad kala dhaxeysa Mareykanka.