Nairobi (Sh. M. Network)- Hay’adda Qaramada midoobay u qaabilsan Cunada iyo Beeraha ee FAO ayaa shaacisay in Malaayiin Ruux oo Soomaali ah ay weli wajahayaan Gaajo ka dhalatay Cunno yari.

War ka soo baxay Hay’adda FAO ayaa lagu sheegay in 6.7 Milyan oo Soomaali ah haatan ay la tacaalayaan Noloshooda, maadaama aysan heysan cunno ku filan.

Waxaana sidookale ay xustay in dhibaatooyinkan ay ka dhasheen Roobabkii la sugayay oo aan u di’in sidii loo baahnaa.

Hay’addan ayaa shaacisay in sidookale aan lagu guuleysan in wax soo saar laga helo waxyaabihii la beertay.

Sikastaba, hadalka Hay’adda FAO ayaa imaanaya, xili Golaha Amaanka ay ugu baaqeen dhinacyada isku haya Soomaaliya in ay u ogolaadaan Hay’addaha gargaarka in ay gurmad Bini’aadannimo gaarsiiyaan dadkii ay saameeyeen abaaro dhawaan ku dhuftay Dalka Soomaaliya.

 

Ka Dhiibo Fikirkaada Saliim-ka Ah

Please enter your comment!
Please enter your name here