Rome (Sh. M. Network)-Hay’adda Cunnada Aduunka (WFP) ayaa ka digtay in ay soo xoogeystaan abaaraha dhawaan ku dhuftay Soomaaliya.

War ka soo baxay Hay’adan ayaa lagu xusay in walaac xoogan ay ka muujinayaan cunna yari saameysa Malaayiin Qof oo ku nolool dalal ay ku jirto Soomnaaliya.

Hay’adda WFP ayaa cod dheer ku sheegtay in 1.4 Milyan oo Caruur ah ay qarka u saaran in ay u dhintaan Macluul, maadaama ay saameyn ku yeesheen abaaraha.

Warkan ka soo yeeray Hay’adda WFP ayaa lagu shaaciyay in loo baahan yahay in laga hortaga khatarta ka dhalan karta abaarahii ku dhuftay Soomaaliya.

Sikastaba, abaaro xoogan oo sameyn ku yeeshay Malaayiin Qof ayaa ku dhuftay qeybo ka mid ah Soomaaliya, iyadoo Beesha Caalamka ay walaac ka muujiyeen abaarahaasi.