Mumbai (Sh. M. Network)-Maxkamad ku taal Magaalada Mumbai ee Dalka Hindiya ayaa Xukunno Xabsi ah ku riday Muwaadiniin Soomaaliyeed, kuwaasi oo loo haystay Danbiyo la xariira Burcadbadeednimo.

Dadka la xukumay ayaa tiradooda waxa ay gaaraysaa ilaa 26 Maxbuus, waxaana ay shaacisay maxkamaddu in lagu Xukumay min Todobo Sano oo Xarig ah.

Maxkamadda ayaa sidookale sheegtay in uu jiro eedeysane aan xaadir ahayn, kaasi oo ay tilmaameen in loo qaaday Xarun caafimad, kadib markii uu ku dhex xanuunsaday Xabsiga uu ku jiray.

Maxkamadaynta Muwaadiniinta ayaa imaatay xilli dowladda Soomaaliya ay hory uga codsatay dowladda Hindiya in Soomaalida ku xiran dalkaasi dib loogu soo celiyo dalkooda, ayna ku dhamaystaan waqtiga Xabsiga ah ee lagu Xukumay.

Guud ahaan tirada ku xiran Dalka Hindiya ee u dhashay Dalka Soomaaliya ayaa tiradooda waxa ay gaaray 120 maxbuus, kuwaasi oo ay dowladda Hindiya ku eedeeysay in ay kamid ahaayeen kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida, ee afduubta u geysta Maraakiibta isticmaala Biyaha Soomaaliya.

Weli waxaa Xabsiyada Dalalka qaar ku xiran Muwaadiniin Soomaaliyeed, kuwaasi oo qarkood loo haysto in ay galeen Danbiyo, halka kuwa kalana ay iska xiran yihiin, iyadoo an lan ogeyn sababaha loo haysto.