New Delhi ( Sh. M. Network )-Dowladda India ayaa sheegtay in markale howgal lagu ciribtirayo Burcadbadeeda Soomaalida ay ka bilaabayaan Xeebaha Soomaaliya iyo Yemen.

Waxaana dalalka Indonesia, India, Myanmar, Malaysia, Thailand, Sri Lanka, Mauritius, Bangladesh, Maldives, Seychelles iyo Singapore oo kulan ku yeeshay Dalkaasi India ay ku hesheeyeen in si wadajir ah looga qeyb qaato la dagaalanka Kooxaha Burcadbadeeda.

Taliyaha Ciidamada Badda India Admiral Sunil Lanba ayaa sheegay in shirkani dowladda india ay ka soo jeedisay codsi ah in laga wada qeyb qaato Ciribtirka Kooxha Burcadbadeeda Soomaalida, islamaraakaana ay aqabaleen, sida uu hadalka u dhigay.

India oo ay hadda Xabsiyadeeda ku jiraan Maxaabiis Soomaali ah oo lagu eedeynayo falal la xariira Burcadbadeednimo ayaa weli wada dadaallo looga hortagayo afduubka Kooxaha Burcadbadeeda ay ka geystaan Biyaha Soomaaliya iyo kuwa ka baxsan intaba.