Mumbai  (Sh. M. Network)- Maxkamad ku taalla Magaalada Mumbai ee Dalka Hindiya , ayaa xukunno xabsi ah ku riday 16 Ruux oo Soomaali ah, kwaasi oo lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen weerar lagu afduubtay Dooni kaluumeysato ah sanadii 2011-kii.

Doonidan kaluumeysi ayaa sidoo kale waxaa saarnaa shaqaale u kala dhashay Dalalka Iran iyo Pakistan, kuwaasi oo afduub ahaan ay u heysteen Kooxo Burcadbadeed Soomaaliyeed, sida uu sheegay Qaaliga Maxkamada.

C.J. Jagdale oo ah qaaliga Maxkamda ayaa xusay in Raggan lagu xukumay min 7 sanno oo xabsi ah, kadib markii lagu helay kiiska ku aadan afduubtka doonidaasi iyo shaqaalihii la socday.

Waxaa uu sheegay in weerarkaasi uu dhacay 26-bishii March ee Sanadii 2011-ka, balse Ciidamada Ilaalada Xeebaha Hindiya ay qaadeen howlgallo lagu soo xiray raggan, islamarkaana lagu soo badbaadiyay 16 kale oo ka soo kala jeeda Dalalka Iran iyo Pakistan.

Dalka Hindiya ayaa waxaa ku xiran Soomaali badan oo qaarkood lagu eedeeyay Burcadbadeednimo, waxaana xusid mudan in dhawaan heshiis dhinaca maxaabiista ay kala saxiixdeen Dowladdaha Soomaaliya iyo India.