Jowhar ( Sh. M. Network )-Guddoomiye ku xigeenka koobaad ee Baarlamaanka HirShabelle Cabdi Xuseen Geedi oola hadlay Warbaahinta ayaa ka warbixiyay xaaladda amaan ee deegaanada Maamulkaasi.

Mr Geedi ayaa sheegay in dhawaan Waddooyinka isku xira gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ay ka bilaaban doonaan howlgallo ka dhan ah Al Shabaab.

Waxaana uu ka dalbaday DFS in ay dadajiso qorshaha wax looga qabanayo amniga deegaanada HirShabelle oo inta badan weeraro ay ka geystaan Al Shabaab.

Dhawaan Ciidamo ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa la sheegay in fariisimo cusub ay ka sameysteen nawaaxiga deegaanka Qalimow ee gobolka Shabeelaha Dhexe, si ay uga hortagaan weerarada Al Shabaab ay ka fuliyaan Waddadada isku xirtay degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolkaasi.