Jowhar ( Sh. M. Network )-Wasiirka arrimaha gudaha ee Hirshabelle Maxamed Cali Caadle ayaa ka hadlay degmooyin cusub oo uu horay u magacaabay Madaxweynihii hore ee maamulkaasi Cali C/laahi Cosoble.

Waxaana uu sheegay in amar madaxweyne oo kaliya lagu Magacaabay degmooyinkaasi, balse aan loo marin hab sharci ah.

Maxamed Cali Caadle oo xilligaasi ahaa isla Wasiirka arrimaha gudaha ee Hirshabelle ayaa sheegay in Wasaaddiisu aysan talo ku lahayn magacaabista degmooyinkaasi.

Waxaana uu hoosta ka xariiqay in ay ahayd tallaabo aan laga fiisan, islamarkaana lagu qancinayay tabashooyin jiray xilligaasi.

Wasiir Caadle ayaa shaaca ka qaaday in arrintaasi looga fadhiyo in ay go’aan ka gaaraan Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle.

Wareegto uu soo saaray Cali C/laahi Cosoble mudadadii uu ahaa madaxweynaha Hirshabelle ayaa waxaa lagu magacaabay illaa 7 degmo oo kala ah: -Feerfeer, Moqokori, Buq Aqable, Buurweyn, Far libaax, Cel Cali iyo Halgan, kuwaas oo dhamaantood ku yaalla gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.