Muqdisho ( Sh. M. Network )-Hooyo Dheeg Jaamac Ismaaciil oo 70 jir ah, islamarkaana wiil ay Eeda u ahayd oo lagu magacaabi jiray Aadan Yusuf Cali  uu ku geeriyooday qaraxii Zoobe ayaa codsatay in la caawiyo.

Xaali Yuusuf Cali oo ay Walaalo ahaayeen Marxuumka, lana hadashay Idaacadda Shabelle ayaa sheegtay in uu u soo dhicin jiray nolol maalmeedka, islamarkaana haatan ay soo wajahday daruufo dhinaca Nolosha ah.

Sidoo kale Xaali Yuusuf Cali ayaa sheegtay in ay xanuunsaneyso Hooyo Dheeg Jaamac Ismaaciil oo 70 jir ah, islamarkaana Dhagool ah, waxaana ay tilmaamtay in dhawaan laga keenay Gobollada Waqooyi,  si loo Daaweeyo.

Ugu dambeyn Qosykan Soomaaliyeed ayaa ka codsaday dowladda, iyo cidkasto oo caawin karto in ay wax u qabtaan, si Daawo iyo Daryeel ay u hesho Hooyo Dheeg Jaamac Ismaaciil.

Fadlan Caawi oo kala xiriir Tell:- 0615241472