Boosaaso ( Sh. M. N. Network )-Ciidamada Ammaanka ee maamulka Puntland ayaa maalintii afaraad howlgallo ballaaran ka wada deegaano hoos yimaada magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Waxaana maata Howlgal qorsheysan Ciidamadu ay ka sameeyeen deegaanka Calmadow ee gobolkaasi.

Guddoomiyaha gobolka Bare Yuusuf Maxamed Wacays oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in howlgalka lagu soo qabtay illaa 4 ka tirsan dagaalyahannada Al Shabaab.

Waxaana uu tilmaamay in howlgalku weli uu ka socdo duleedka magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga ee Puntland.

Howlgalladan ayaa yimid kadib markii Al Shabaab muddooyinkii dambe ay kordhiyeen weerarada ay ka fuliyaan deegaanada maamulkaasi Puntland.