Gaalkacyo ( Sh. M. Network )-Ciidamada ammaanka ee maamulka Galmudug ayaa maanta howlgallo ballaaran ka sameeyay M/ Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Waxaana howlgalladaasi lagu soo qab qabtay illaa 20 ruux oo la sheegay in ay ka Ganacsanayeen waxyaabaha Maanka dooriya.

Qaar ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Galmudug oo la hadla Warbaahinta ayaa sheegay in Raggaasi ay la tiigasan doonaan sharciga, waxaana sidoo kale ay digniin u direen kooxaha ka Ganacsada Maadooriyaha ee ku sugan magaaladaasi.

Halkan hoos ka dhageyso Warbixinta.