Gaalkacyo ( Sh. M. Network )-Ciidamada ammaanka ee maamulka Galmudug ayaa maanta howlgallo ballaaran ka sameeyay Xaafado ka tirsan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Duqa Magaalada Gaalkacyo ee Galmudug Xirsi Yuusuf Barre oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in howlgalladaasi lagu soo qab qabtay tiro dhalinyaro ah oo xilliyada Habeenkii dhac ka geysan jiray magaaladaasi.

Waxaana uu tilmaamay in haatan dhalinyaradaasi ay ku jiraan gacanta Ciidamada Booliska, islamarkaana ay ku socdaan baaritaano dheeraad ah.

Mr Xirsi ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan Gaalkacyo in la shaqeeyaan hay’adaha ammaanka ee magaladaasi.

Muddooyinkii dmabe aya waxaa Gaalkacyo ka dhacayay falal liddi ku ah ammaanka, iyadoona ay cabasho ka soo yeereysay dadka ku dhaqan magaaladaasi.