Gaalkacyo ( Sh. M. Ntwork )-Ciidamada Ammaanka ee Puntland ayaa saakay howlgallo ballaaran ka wada waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Howlgalladan ayaa yimid, kadib markii shalay magaaladaasi lagu dilay sarkaal ka tirsanaa Ciidamada maamulkaasi.

Qaar ka mid ah saraakiisha Ciidamada Puntland oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in ay ku raad joogaan kooxihii ka dambeeyay dilka sarkaalkaasi.

Dhinaca kale Al Shabaab ayaa sheegatay dilka sarkaalkaasi oo lagu magacaabi jiray Faarax Ciise Samatar Caato, kaas oo lagu dilay qarax Gaari oo ka dhacay M/ Gaalkacyo.

Waxaana Al Shabaab baraha Internetka ay ku baahiyeen in sarkaalkaasi uu u qaabilsanaa Puntland dhanka tababarada sirdoonka maamulkaasi.

Muddooyinkii dambe Al Shabaab ayaa kordhiyay weerarada iyo dilalka qorsheysan ee ay ka fuliyaan deegaanada maamulkaasi Puntland.