Afgooye ( Sh. M. Network )-Howlgallo lagu xaqiijinayo amniga degmada Afgooye ee gobolka Sh/ Hoose ayaa Ciidamada DFS waxa ay ka sameeyeen gudaha degmadaasi.

Howlglladan oo ahaa kuwa ballaaran ayaa waxaa lagu soo qab qabtay illaa 6 ruux oo looga shakisan yahay falalka amaan dari ee ka dhaca degmadaasi Afgooye.

Guddoomiye ku xigeenka dhinaca Maaliyadda ee gobolka Shabeelaha Hoose C/fitaax Xaaji Cabdulde oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in weli howlgalladu ay socdaan, balse marka la soo gabagabeeyo ay soo bandhigi doonaan natiijada ka soo baxday.

C/fitaax Xaaji Cabdulde ayaa xusay in ay hayaan 6 ruux oo looga shakisan yahay in ay gacan saar la leeyihiin Xarakada Al Shabaab sida uu hadalka u dhigay.

Howlgalladan ayaa ku soo aadaya, xilli shalay qarax miino Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaaka Somalia lagula eegtay duleedka degmadaasi.