Caabudwaaq ( Sh. M. Network )-Ciidamada ammaanka maamulka Galmudug ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo ballaaran ka sameeyay gudaha magaalada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolka Galgaduud.

Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa si wadajir ah u fuliyay Ciidamada nabad sugida, kuwa Xaslinta iyo Ciidanka Milatariga ee maamulkaasi.

Taliyaha Ciidamada Xasilinta degmada Caabudwaaq oo ka hadlay howlgalladaasi ayaa sheegay in u jeedkoodu uu yahay sugida amniga iyo ka hortagista waxyaabha Maanka-dooriya.

Waxaana uu tilmaamay in baaritaanadaasi lagu soo qab qabtay illaa iyo 15 ruux iyo sidoo kale waxyaabe Maanka-dooriya.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxa ay Ciidamada Galmudug howlgallo joogto ah ka wadeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan maamulkaasi.