Afgooye (Sh. M. Network)-Ciidamada dowladda ayaa maanta howlgallo ballaaran waxa ay ka sameeyeen Xaafado ka tirsan Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Howlgalladaasi ayaa la sheegay in lagu soo qab qabtay illaa 10 qof oo la tuhunsan yahay in ay ku lug lahaayeen weerar xalay lagu qaaday qeybo ka mid ah degmadaasi.

Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda ee Maamulka Degmada Afgooye Mahdi Abuukar ayaa Shabelle u xaqiijiyay in Ciidamada Ammaanka ay gacanta ku soo dhigeen 10-kaasi qof, kadib baaritaanno xoogan oo ay ka sameeyeen degmada Afgooye.

Xalay ayey ahayd markii Weeraro xoogan ay ka dhaceen degmada Afgooye , gaar ahaan Fariisimayaal ay Ciidamada dowladda ku leeyihiin degmadaasi.