Baladweyne ( Sh. M. Network )-Wararka ka imaanaya magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa ku warramaya in Ciidamada ammaanka magaaladaasi ay howlgallo lagula dagaalamayo kooxo burcad ah ay ka sameeyeen galbeedka Baladweyne.

Howlgalladan ayaa yimid, kadib markii dadka deegaanku cabasho ay ka keeneen, kooxahaasi oo jidgooyooyin soo dhigtay halkaasi.

Guddoomiyaha degmada Baladweyne Maxamed Cabdi Ismaan Qalaafow oo ka hadlayay howlgalladan ayaa sheegay in uu ahaa mid looga jawaabayay cabashada shacabka, islamarkaana ay Ciidamada ammaanku wadeen maalmihii la soo dhaafay.

U jeedka howlgalladan waxa uu ku sheegay Guddoomiye Qalaafow in uu ahaa mid looga hortagayay dhibaatooyinka ka dhanka ah shacabka ku dhaqan halkaasi.

Muddooyinkii dambe waxaa soo badanayay Rag ku labisan dareeska Ciidamada dowladda oo dhac iyo dhibaatooyin kale ka geysanayay gobolka Hiiraan ee bartamaha Somalia.