Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ciidamada ammaanka ee DFS ayaa xalay howlgallo ballaaran ka sameeyay gudaha degmada Wadajir ee gobolkan Banaadir.

Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa Ciidamada Booliska Soomaaliya ay ka fuliyeen afarta waaxood ee degmadaasi.

Ujeedka howlgallada ayaa ahaa sidii looga hortagi lahaa falalka ammaan dari ee mararka qaar ka dhaca gudaha degmadaasi Wadajir.

Ciidamada ayaa lagu arkayay, iyaga oo taagan waddooyinka waa weyn ee degmadaasi, islamarkaana baaraya Mootootinka Bajaajka iyo Gawaarida gaarka loo leeyahay.

Xiriiro aan la sameynay saraakiisha laamaha ammaanka ayaa waxa ay ka gaabsadeen in ay faahin faahin ka bixiyaan howlgalladaasi.

Maalmihii dambe Ciidamada ammaanka ee dowladda ayaa howlgallo lagu xaqiijinayo amniga ka waday qaar ka mid ah degmooyinka G/ Banaadir.