Muqdisho ( Sh. M. Network )-Safiirka dowladda Isutaga Imaaraadka Carabta ee Soomaliya Maxamed Axmed Cismaan ayaa kulan Magaalada Muqdisho kula qaatay wakiilka Urur Goboleedka IGAD ee Soomaaliya Maxamed Cali Guyo .

Labada mas’uul ayaa waxaa kulankooda ay si weyn diirada ugu saareen iskaashiga u dhexeeya dowladda Isutaga Imaaraadka Carabta iyo Urur Goboleedka IGAD.

Sidoo kale ayaa waxaa labada dhinaca ay isla soo qaadeen sidii dowladda federaalka ah ee Soomaaliya looga taageeri lahaa dhinaca amniga iyo deganaansho ka dhacda guud ahaan Dalka.

Wakiilka Urur Goboleedka IGAD Maxamed Cali Guyo ayaa si weyn u bogaadiyey doorka ay dowladda Imaaraadka ku leedahay Soomaaliya, gaar ahaan taageerada dhinaca amniga iyo dhismaha ciidamada.

Ugu dambeyn ayaa waxaa labada mas’uul ay hoosta ka xariiqiin in ay si wadajir ah dowladda Soomaaliya ugu shaqeeyaan dhinaca ammaanka dalka oo ay ka dhacaan qaraxyo iyo weeraro ay Al Shabaab ka fuliyaan qeybo badan oo ka mid ah Soomaliya